War-Saxaafadeed laga soo saaray Shir looga hadlay Hogaan xumida ka jirta Hirshabeelle (Daawo Sawirada)

Muqdisho, Agoosto 16, 2018—Shirkaan oo ay ka soo qeyb-galeen Bulshada qeybaheeda kala duwan sida Aqoonyahanada,Dhalinyarada,Siyaasiyiinta,Odoyaasha iyo Haweenka ayaa looga hadlay Hogaan xumida,Dayaca iyo Musuqa ka jira Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay Beesha Baadicadde ayaa sheegtay in Mustaqbalka Hirshabeelle aan lagu aamini karin Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo Horseed u noqday in Dhammaan Xilalka ku koobeen Jufooyinka ay ka soo jeedaan taas oo Jebineyso Awood qeybsigii lagu hishiiyey

Qodobada War-saxaafadeed laga soo saaray gebegebada Shirkaan ayaa  u qornaa sida tan.

1.    Beesha Baadicadde waxa ay kalsoonida kala noqotay Maamulka Hirshabeelle oo Madaxda hogaamiso ay Horseed u noqdeen Musuq iyo nin jeclaysi aan geed looga ganban,Waxaana Hoggaaminta lagu kooban Jufooyin gaar, taas oo Jebineyso Awood qeybsigii lagu hishiiyey.

2.    Beesha waxa ay Cod dheer ku fareysaa in Dhammaan Xildhibaanada iyo Wasiirada ka soo jeeda Beesha ay Joojiyaan Wada shaqeynta Maamulka Hirshabeelle una yimaadaan kullan Wadatashi ah, wixii hadda ka bilowda Ciddii go’aanka Beesha ka hortimaadana ay la kulmi doonto Cawaaqib Xumo Mustaqbaliyan ah.

3.    Beeshu waxa ay u sheegeysaa Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka in ay Magacawdo Gudoomiyaasha Degmooyinka Baladweyne,Buulo-Burte iyo Jalalaqsi Maadaama Madaxda Hirshabeelle wax walbo ay ku koobeen Beelaha ay ka soo jeedaan iyaga oo jabiyey Nidaamka Federaalka,haddii ay taasi dhici weydo wixii ka yimaado waxaa Mas’uuliyadeeda qaadaya Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka.

Ugu danbeyn waxaa ugu Baaqeynaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Ra’iisal Wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyrre,Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi xaashi Cabdullaahi,Beelaha Hirshabeelle in ay arkaan Hogaanka sii xumaanaya ee Caadeystay Duulaanka Beelaha,sidoo kale waxaa u sheegeenaa Beesha Caalamka sida  Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Belgium, Denmark,  Itoobia, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Ingiriiska iyo Maraykanka in ay ka fiirsadaan Wadashaqeynta ay la leeyihiin Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ka leexatay Hanaankii lagu hishiiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -